Arag Sawirro laga soo qaaday qaraxii lagu dilay Injineerka ee ka dhacay Muqdisho + Xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa gaari lagu soo xiray Walxaha Qarxa oo ku qarxay agagaarka Buundada Ansalooti ee Degmada Xamarjajab Gobolka Banaadir.

Qoyska Injineerka ayaa sheegay in Siidow Cusmaan Cali uu ka shaqeynaayay dhismooyinka Madaxtooyada Somalia, waxaana miinada loogu xiray xili uu gaariga hooygiisa ku baakinaa.

Injineerka ayaa waxaa isbitaalka la geeyay isaga oo dhaawac ah, waxa uuna markii danbe ku dhintay Isbitaalka Darushifa ee Magaalada Muqdisho.

Injineerka ayaa la sheegay in mudooyinkaani danbe loogu goodinaayay in la kharijinaayo, haddii uu isaga bixi waayo shaqooyinka dhismo ee uu u hayay Madaxtooyada.

DAAWO SAWIRADA
1

2

5

6

7

 

9