Xasan oo ballan-qaad u sameeyay xildhibaanno

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wado qorsho uu ku dardar galinaayo kasbashada Xildhibaanada yare e weli ku adkeysanaayo Mooshinka.

Madaxweyne Xassan ayaa la soo warinayaa in Xildhibaanada ugu tunka weyn ee kasoo horjeeda u sameeyay ballanqaad ah inuu kusoo dari doono Xukuumada cusub ee ku imaan doonto isku shaandheynta.

Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay in iminka uu xulanaayo shaqsiyaadka ku haboon inay kamid noqdaan Xukuumada la filanaayo, kuwaasi oo la sheegay inay garab ku siinayaan sida looga gudbi lahaa Mooshinka yaala Maxkamada sare ee dalka.

Qorshahaani uu Xassan Sheekh xilalka ugu ballanqaaday ayaa waxaa wada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isagu lama huraan ka dhigay in Xildhibaanada qaar ay kamid noqdaan Xukuumada cusub, si looga guuleysto Xildhibaanada kale ee ku adkeysanaayo Mooshinka.

Xassan iyo Jawaari ayaa iminka si hordhac ah ugu guuleystay inay kala dhantaalan Xildhibaanadii Mooshinka waday, wallow qaarkood ay weli ku adkeysanayaan Mooshinkooda.

Lama oga Xildhibaanada Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiye Jawaari ay ugu talla galeen inay ku daraan Xukuumada la filaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com