DFS oo la siiyay haddiyadii ugu xumeyd ee abid

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo dhanka Dowlada Federaalka ayaa sheegaya in Dowlada loogu yaboohay Eeyo la sheegay inay u tababaran yihiin baaritaanka Hubka iyo maan dooriyaha noocyadooda kala duwan.

Eeyahaani ayaa la sheegayaa in loogu yaboohay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo iyagu u adeegsanaayo ka hortagida Hubka qarxa iyo Maan dooriyaha qeybaha halista ah.

Eeyaha loogu deeqay Taliska ayaa tiro ahaan lagu sheegay ilaa 7 Eey oo ay bixiyeen Dowladaha ku mideysan AMISOM, waxaana Eeyahaasi lagu soo tababaray Magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha.

Eeyahaani hadiyada loo siiyay DF Somalia gaar ahaan Taliska Booliska ayaa waxaa lagu wareejiyay Ciidamo la baray habka loo adeegsado Eeyaha, waxa ayna Dowladu u muuqataa mid ka gudubtay isticmaalka Eeyaha ay adeegsadaan Ciidamada AMISOM.

DF ayaa hadiyadaani u aragta mid kamid ah guulaha ay gaartay Hay’ada Booliska Soomaaliyeed oo iyadu heshay Eeyo ay ku baaran Hubka la aaso iyo maan dooriyaha halista ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com