QARAX gaari oo goor-dhow ruxay MUQDISHO.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Qarax lagu soo xiray gaari yar uu ka dhacay inta u dhexeysa Degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari Isbaashiyo ah oo uu watay Injineer dhanka dhismaha oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana magaciisa lagu sheegay Eng Siidow.

Qaraxa ayaa ahaa mid xoogan waxaana lasoo warinayaa inuu burburiyay gabi ahaan gaariga waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray Ciidamada Dowlada oo goobaha caafimaadka gaarsiiyay dhaawaca Injineerka.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray afafka hore ee gaariga, iyadoona Qaraxaasi loo qabtay dad goobta ku sugnaa.

La soco wixii faahfaahin ah wararkeena danbe

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com