Xog cusub: Xildhibaankiiba imisa lacag ah ayuu codkiisa uga iibsanayaa madaxweyne Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online )- Xog hoose oo aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan iyo Gudoomiye Jawaari ay isla fahmeen cadadka lacag ee Xildhibaan waliba gaar ahaan kuwa Mooshinka wada ay ku iibsan doonaan Codkooda.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Madaxweyne Xassan uu Xildhibaanada u kala qeybiyay 2 garab, garabka koowad oo ah kuwa u xil saaran dhexgalka Mooshin wadayaasha ayaa loo qoondeeyay lacag dhan min 10,000$ dollar.

Garabka labaad oo iyaguna ah Xildhibaanada axdiga lala galay ayaa loo qoondeeyay lacag dhan min 6,000 ilaa 7,000$.

Dhaqaalaha ku baxaayo Xildhibaanadaani ayaa waxaa si wada jir ah u bixiyay Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Xildhibaanada qaar leysugu daray dhaqaale iyo gaadiid u keydsanaa Dowlada kuwaasi oo lagu badbaadinaayo Madaxweyne Xassan.

Geesta kale, Madaxweyne Xassan ayaa aaminsan in tirada Xildhibaano harsan ee Mooshinka wada uu gacanta ku dhigi doono si ay uga mid noqdaan kuwa ka laabtay Mooshinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com