KAY oo war cusub kasoo saaray MOOSHINKA.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga xoghaayha Qaramada Middobay u qaabilsan Soomaliyaa Nicholas Kay ayaa si weyn u soo dhoweeyay waanwaanta lagu xallinayo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo sida dhinacyada mooshinka u ogolaadeen inay xal laga gaaro Mooshinka.

“Waxaan soo dhoweynayaa dadaalka uu wado Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya si ay dhinacyada uga wada-shaqeeyaan in qaab Wadahadal iyo wada-tashi lagu dhammeeyo” ayuu yiri Danjire Kay ugu baaqay dhinacyada arrintani khusayso inay si dhaqso leh hore uga dhaqaajiyaan xal laga gaaro khilaafka siyaasadeed.

Ergayga Q/Midoobay wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in dowladda Federaalka iyo Hay’adaheeda looga baahan yahay inay xoogga saaraan sidii looga dhabeyn lahaa doorashooyin ka dhaca Soomaaliya Sannadda 2016-ka iyo howlaha hiigsiga cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com