Ahlu-Sunna oo weerar ku ah Galmudug & xiisad ka taagan Galgaduud + Wararkii ugu dambeeyey

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa ku hanjabay iney weerar ku qaadayaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, oo dhawaan uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ahlu sunna iyo Galmudug.

Afhayeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe Mursal Maxamed, ayaa sheegay iney isku diyaariyeen iney weeraraan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, si ay kala wareegaan Galmudug.

Mursal Sheikh Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay galeen diyaar garowgii ugu dambeeyay si ay ula wareegaan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo ciidamada Galmudug ku xoogeysteen.

“Ujeedka aan u weerareyno waa inaan amniga magaaladaasi oo halaabay soo celino kana saarno nabad diidka argagaxisada ah”ayuu yiri Mursal Sheikh Maxamed.

Ciidamada Galmudug ayaa wali ku sugan magaalada Caabudwaaq, waxaana ciidamada Ahlu sunna ay wadaan diyaargarow ay kula wareegayaan degmadaasi oo dhawaan dagaalo qasaaro geystay uu ka dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Caabudwaaq
Caasimada@live.com