XOG laga helayo kulamo xasaasi ah oo ka socda Garbahaarey + Qorshaha iyo dadka wada (Aqri).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ka socda shirar kala duwan oo lagu dhexdhexaadinaayo Maamulkii hore ee Gedo iyo kan iminka uu magacaabay Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Nuur Max’ed Buraale oo ah Guddoomiyaha cusub ee Maamulka Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay in wada hadal uu u socdo isaga iyo garabka Maxamed Cabdi Kaliil, waxa uuna sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay inay kuwada noolaadan Gobolka Gedo, iyada oo aan la carqaladeyn amaanka Gobolka iyo deegaanada ku xeen-daaban.

Nuur Max’ed Buraale waxa uu sheegay in Garbahaarey ay iminka ku sugan yihiin Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil fartaag oo u jeedkoodu yahay inay xal u raadiyaan qalalaasaha Siyaasadeed ee iminka taagan.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa la soo warinayaa in wali uu ku adkeysanaayo inuu yahay Madaxweynaha Gobolka Gedo, wixii isaga kasoo harana ay yihiin xubno isaga ka amarqaata.

Waxa uu kasoo horjeeda in laga qaado xilkii ay u magacawday DF Somalia, waxa uuna ku doodayaa inuu yahay Madaxweyne sharci ah.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili maalmahaani dambe Magaalada Garbahaareey laga dareemaayay xiisado dagaal oo ay wadaan Kaliil iyo Maamulka Axmed Madoobe ee iminka ka arimiya Magaalada Garbahaarey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com