C/Weli Gaas oo ku ciyaaraya Xasan SheIkh kadib markii uu mar kale si lama filaan ah uga baxay…

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwewynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa shalay dib ugu laabtay Puntland kadib markii uu anbabaxay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu uga qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbalanda Axmed Madoobe.

C/weli Gaas ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku sii sagootiyay madaxweynaha Juba iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, waxayna wararka laga helayo magaalada Kismaayo sheegayaan inuu shaki weyn geliyay ka qeyb galka shirka dowladda federaalka iyo maamulada federaalka ee lagu qabanayo Muqdisho 20-ka Bishan September sida looga dhawaaqay magaalada Kismaayo Axadii.

Gaas, oo markii horeba fashiliyey shirkii Kismaayo, ayaa madaxaweyne Xasan Sheekh ka ballan qaaday inuu imanayo shirka Muqdisho, balse waxaa hadda muuqata inuu ballanta uga baxayo.

Wadahadal xalay iyo saaka dhex maray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku haray Kismaayo, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa mar kale lagu guuldareystay in Mudane Gaas lagu qanciyo ka qeybgalka shirka Muqdisho oo la sheegay inuu diidan yahay.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com