Xog: Yaa beesha Daarood ku metela xisbiga cusub ee Xasan Shiikh sameeyey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowan Muqdisho lagu shaaciyey in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shikeh Maxamuud hogaamiye KMG ah looga dhigay xisbiga cusub oo maanta si rasmi ah looga daah furay magaalada Muqdisho.

Xisbigan oo loo bixiyey Xisbga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxaa ku midoobay Daljir, Daamujadiid iyo kudladda Horuosocd. Hadaba, su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah yaa beesha Daarood ku metelaya Xisbigan?

Xisbiga cusub ee UPD waxaa beesha Daarood ilaa iyo hadda sida muuqata ku metelaya Cabdikariin Xassan Jaamac oo ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta xukumaddii Shiekh Shariif Shikeh Axmed, hadana ah gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda City ee magaalada Muqdisho, iyo Cabdirashiid Xaashi oo ah madaxa machadka Heritage.

Cabdikariin Xassan Jaamac waxa uu ka soo jeedaa beelweynta Harti Darood, gaar ahaa Dhulbahante, halka Cabdirashiid Xaashi uu ka soo jeedo beesha Leylkase. Labadan siyaasi ayaa ka mid ahaanshaha xisbiga ka sokow rajo ka leh xilal sare haddii Xasan Sheekh kusoo baxo doorashada 2021.

Jaamacadda City iyo Machadka daraasaadka Siyaasadda ee Heritage waxaa leh ganacsato iyo siyaasiyiin ku boohoobay xisbigii Dajir ee ku biiray Dhaamujadiid, sidaas darteed layaab ma lahan in Cabdikariin iyo Cabdirashiid, labada xubno ka yihiin xisbiga.

Waxaa xusid mudan uu Cabdi Caynte hore masraxa siyaasadda ka soo fuulay Machadka Heritage oo uu ka ahaa gudoomiye kahor inta aan dowladdii Xassa Shiekh Maxamuud loo magacaabin Wasiirkii Qorsheynta, waxaana hadda muuqataa in Cabdirashiid uu waddadaas ku socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com