Trump oo si xun u bah-dilay boqorka dalka Sacuudiga

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa aad u bah-dilay boqorka dalka Sacuudiga Salmana Bin Cabdulcasiis, isaga oo ka dhigay qof aan isku filneyn oo Mareykanka la’aantiis aan xukun hayn lahayn.

Trump ayaa adeegsaday hadal aan diblomaasi ahayn ku weeraray Sucuudiga, oo ay saaxiibo dhaw yihiin, waxaana uu sheegay in uu u digay Boqor Salmaan kuna war-geliyey in uusan xukunka laba toddobaad haysan karin taageerada ciidamada Militari ee Mareykanka la’aantood.

“Waan difaacnaa Sucuudi Careebiya. Miyaad leedihiin waa qani. Waan jeclahay boqorka. Laakiin waxaa dhahay ‘Boqor waan ku difaaceynaa – halkan ma aadan sii joogeyn laba toddobaad anaga la’aanteen – waa in aad bixisaa lacagta Militarigaaga,” ayuu Trump ka sheegay fagaare ku yaal Southaven ee gobolka Mississippi.

Trump ma sheegin xilligii uu hadaladdaas ku yiri boqorka Sucuudiga.

Marka laga yimaado hadaladdaas adag, maamulka Trump waxa uu xiriir dhaw la leeyahay Sucuudi Careebiya oo uu arko awood uu uga hor tago himilada Iran ee gobolka, iyo fulinta siyaasadaha lagu taageerayo Yahuudda.

Trump waxa uu Sucuudiga ku tagay safarkiisii dibadda ee ugu horreeyey sanadkii hore markii loo doortay Madaxweynaha Mareykanka.

Waxaa xusid mudan, in markii Trump uu booqday Sucuudiga ay abuurmay khilaafka wadamadda Khaliijka oo dhabbaha u xaaray in la go’doomiyo Qadar.

Ayada oo Trump sidoo kale marar badan hadallo bah-dilaad ugu yiri amiirada Sacuudiga, haddana weli waa ay ku daba-feelan yihiin, waxayna taageereen qorshaha Trump ee ah in magaalada Qudus ay noqoto magaalo Yahuuddu leeyihiin.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com