Xog ka cusub shaqaaqadii garoonka Muqdisho ee ka dhalatay sarkaalka la eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha (Marshaalka) oo shalay shaqo joojin sameeyay ayaa saakay oo Khamiis ah dib ugu laabtay shaqadooda, kadib markii la xaliyay tabashadii ay qabeen oo sababtay inay sameeyaan shaqo joojin kumeel gaar ah.

Shaqaalahan ayaa in ay shaqada joojiyaan waxa ay ka dambeysay kadib markii qaab qaldan shaqada looga joojiyay Farxaan Black oo madax u ah, ugu dambeyn kulan ay yeesheen madaxda shirkadda Favori ee maamusha garoonka iyo Farxaan ayaa keentay in la dhameeyo mad madowga jiray.

Arrintan ayaa dhameynteeda waxaa kaalin weyn ka qaatay oo soo farageliyay wasaaradda duuliska hawada Soomaaliya iyo taliyaha nabad sugidda garoonka Aadan Cadde.

Qaar ka tirsan shaqaalaha Soomaalida ee ka shaqeeya qaybta kala hagista diyaaradaha ayaa waxa aysheegeen in saakay oo Khamiis ah ay shaqada u bilaabeen si caadi ah, islamarkaana uusan jirin culeys shaqada dib u dhigaya.

Madaxda Turkiga ee shirkadda Favori oo ah shaqsiyaad siyaasad badan ciyaaraya ayaa suuragal ah inay ka fekerayeen qorshe ay ku kala dilaan shaqaalaha Soomaalida ee isku duubnida muujiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com