DF SOMALIA oo billowday dhaqdhaaq ay jawaab uga bixineyso xisbiga XASAN

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta xaflad soo bandhigis ah loogu sameeyey Muqdisho Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee hoggaamiyaha looga dhigay Xasan Shiikh Maxamuud.

Xisbigaan cusub oo ay ku midoobeyn Kooxdii Qabty, Daljir iyo Horusocod ayaa walaac weyn ku abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u aragto XIsbigan inuu caqabad ku yahay qorshahooda ku aadan Doorashada soo socoto.

Dowladda Soomaaliya ayaa durba bilowday olole ay uga hortageyso xisbigaas waxaana la sheegay inay dowladda hadda wado diyaarinta Dastuurka Xisbiga ay dowladda Soomaliya ku dhawaaqi doonto dhawaan.

Madaxda ugu sareyso dalka ayaa wadatashiyo ka yeeshay sidii xisbigaan looga hortagi lahaa sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online oo arrintaan ka wareystay illo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre.

Sidoo kale madaxda ugu sareyso dalka ayaa wado olole dhanka Baarlamaanka ah oo looga hortagayo inuu xisbigaan awood ku yeesho xubnaha Baarlamaanka taasoo keeni karto inay culeys badan kala kulmaan sida Mooshino joogto ah.

Dhawaan ayaa waxaa madaxda ugu sareyso dalka soo kala dhex galay shaki weyn kadib markii la faafiyey website magaca Kheyre lagu sameystay oo  la sheegay in laga abuuray Xafiiska Kheyre balse markii dambe ay dowladda ku bilowday baaritaano iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuusan wax shaqo ah ku laheyn Ra’isulwasaare Kheyre.

Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com