Sidee baa Muqdisho looga dareemay xisbiga cusub ee madaxweyne Xasan Shiikh?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad lagu daah furayo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir, iyadoo hoolka ay ay camireen xubnaha xisbigii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafladdaan ayaa waxaa Maanta ka qeybgalay ku dhawaad 2 Kun oo qof kuwaas oo isugu jiray XIldhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Durba waxaa dalka Soomaaliya ka bilowday hadal heyn ku aadan Xisbigaan cusub ee Xasan Shiikh Maxamuud hoggamiyaha u yahay.

Inta badan dadka Muqdisho ayaa Maanta hadal hayo Xisbiga maanta Xasan Shiikh Maxamuud loogu caleymo saaray inuu hoggaamiye u noqdo.

Meelaha lagu Falanqeeyo siyaasadda ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn looga hadal hayey Xisbigaan oo ay dadka qaar ku tilmaameyn inuu yahay mid adag oo tartan culus ka geli doono Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waqtigeeda uga dhiman yahay muddo laba sano ah.

Sidoo kale dadka qaar ayaa aaminsan inuu xisbigaan yeelan doonin wax saameyn ah maadaama uu madax u yahay Madaxwyenihii hore ee Xasan Shiikh kaasoo ku fashilmay tartankii uu Farmaajo la galay.

Prof. Cabdiraxmaan Maxamed oo ah aqoon yahay ku takhasusay Cilmiga siyaasadda ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in Xisbigaan cusub uu u baahan yahay siyaasad adag si uu ugu guuleysto doorashada soo socoto maadaama uu sheegay inay jiraan Siyaasiyiin kale oo adag oo xisbiyo sameystay.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Soomaaliya madaxweyne ka aha Afar sano, wuxuuna waqtiga uu xilka hayey la kulmayey eedeymo badan oo ku aadan inay dhaceyn musuq maasuqyo waaweyn oo aan horey Soomaaliya looga arag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com