Dhageyso Madaale: Kooxo badan oo kala duwan ayaa ka shaqeysta MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxa uu ka hadlay dilalka ka dhacaya Muqdisho iyo kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac ka geysanaya Magalada Muqdisho.

Isaga oo wareysi siinayey Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayuu sheegay in dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya Muqdisho xilligaan ay yihiin kuwo sii kordhaya, isla markaana dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir.

Waxa uu sheegay in dadka dhibaatooyinka Shacabka u geysanayo ay u baahan yihiin in gacan bir ah lagu qabto, cadaaladana la hor-geeyo dadka ka dambeeya falalka ee loo qabtay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Muqdisho albaabooyin farabadan ay ka furan yihiin, islamarkana ay ku soo kordheen dhibaatooyin aan jirin xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Hay’adaha aniga ayuu ugu baaqay in mar walba ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka dhibaatooyinka geysanaya si dadku ay ugu noolaadaan amni wanaagsan.

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com