Dhageyso: Fiqi oo jawaab kulul ka bixiyey hadalkii Farmaajo ee ahaa (Siyaasiyiinta Xanaaqsan)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isaga oo ka hadlayey Munaasabadda ku dhawaaqtista ayuu Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxuu sheegay in Midowga Axsaabtaan ay doonayaan iney ku badbaadiyaan dalka loogana shaqeeyo sidii lagu hor marin lahaa ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,khudbaddiisa oo aad u dheereed waxa uu kaga hadlay Xisbigaan iyo sidii uu ku yimid aas-aasitaankiisa waxaana uu tilmaamay in Madaxweynihii hore uu hormuud u yahay nidaamka Xisbiyada badan ee dalku uu galay.

“Xisbigan Midowga Nabadda iyo Hormarka wuxuu mideynayaa Xisbiyada Daljir, BDB, iyo kutladda Horusocod oo ay ku mideysanyihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Siyaasad ahaan la aaminsanyahay in ay ka soo hor jeedaan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Siyasiyiin badana ay u arkaan in ay tahay sababtii loo unkay.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Midowga Xisbiyadaan uu yahay sidii dalkan looga samatabixin lahaa dhibaatada uu ku jiro “ayuu yiri Fiqi,waxaana maanta ka qeybgalay Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Munaasabadda lagu soo bandhigayay Xisbiga uu Hogaamiyaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Howlka ay ka socotay Xaflada xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ay yihiin Siyaasiyiin faraxsan balse kuwo maqan ay yihiin kuwo cuqdadeysan.

“Siyaasiyiinta Farxsan Waa kuwaan Kuwa Xanaaqsan Waa Kuwa Kale”

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyay xisbiga Cusub oo dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo xukuumadda Soomaaliya ee uu dhawaan shaaciyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar).

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Hantida dowladda dadka dhan ay ka wada dhaxeyso,isla markaana uu ka digayo in dad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiin ka soo hor jeeday Xasan Sheekh Maxamuud xiligii uu ahaa Madaxweynaha dalka sanadkii 2012-2017 hase,ahaate badi Siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa dowladdaas ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabaddaan iyaga kuwa ka mida ay yihiin Hogaamiyaal Xisbi.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa: