Xog: Yaa dhaqaalaha xoogan ku bixinaaya riditaanka hogaamiyaha Hirshabelle?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa Murashixiinta isku soo taagay xilka Madaxtinimadda ee DFS uu iminka bilaabay in dhaqaale xoogan uu ku bixiyo riditaanka Hogaamiyaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ku guul dareystay noqoshada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha, ayaa qeyb ka ah ololaha ay Xildhibaanada Hirshabelle kalsoonida kala laabanayaan Hogaamiyaha maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle isagoo ka dalbaday inay la imaadan isbedel isla markaana xoojiyaan Mooshinka.

C/qaadir Cosoble ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay ridaan Cali C/llaahi Cosoble, waxaana la sheegay inuu u sameeyay ballanqaadyo gaar ah.

C/qaadir Cosoble ayaa dhaqaale xoogan ku bixinaayo in xilka laga qaado Hogaamiyaha Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble, isagoo qorsheynaaya inuu la wareego kursiga.

Ololaha lagu ridaayo Hogaamiye Cali C/llaahi Cosoble, ayaa iminka si xooli ah uga socda magaalladda Jowhar, iyadoo ay garab ka geysanayaan Ganacsato dhowr ah.

Dhinaca kale, Xildhibaanada diyaariyay Mooshinka ayaa la sheegay inay kordheen iyadoo saacadihii ugu danbeeyay ay gaaren 70 Xildhibaan oo Mooshinka saxiixay kuwaa oo dhaqaale ka helaayo Ganacsade C/qaadir Cosoble.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com