Xog: Yaa diidan in la aaso, askari bishii Ramadaan lagu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo ka badan 40 cesho waxaa Finijeer ku jira Askari ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya, gaar ahaan Ciidamada 14-ka Oktoober kaas oo la dilay dhamaadkii Bishii Ramadaan kadib israsaaseen ka dhacday degmada Xamar Weyne ee Gobalka Banaadir.

Askarigaan oo ay qaraabo yihiin Taliyaha Ciidamada Lugta Soomaaliya General Odawaa Yuusuf Raage ayaa wali ku jiri Finijeer waxaana diiday in la aaso General Odawaa oo dalbaday in uu raadin doono Cadaaladda Marxuumka dhintay.

Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Marxuumka dhintay oo lahadlay Caasimada Online ayaa sheegay in qarashka iyo waxkasta oo ku baxaya Meydka Marxuumka oo Finijeer ku jira uu dusha saartay Generaal Odawaa islamarkaana uu ka dalbaday odayaasha in lagala hadlin raadinta xuquuqda Marxuumka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer dalbaday in la aaso Maxruumka balse ma dhicin waxaana la sheegay in Madaxweynaha kulamo uu la qaatay dhaqanka Marxuumka iyo ehelkiisa ay diideen dalabka Madaxweynaha maadaama uu gadaal ka fadhiyo General Odawaa Yuusuf Raage oo ka dalbaday in aysan soo qaadan dalabka Madaxweynaha.

Kiiska dilka Askariga ayaa hadda loo gacan geliyay Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, balse su’aasha ay dad badan isweydiinayaan ayaa ah yaa u doodaya dadkii kale ee halkaas ku dhintay oo dad shacab ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com