DEG DEG: Korneyl Caarre oo dagaal ku soo qaaday Somaliland

Ceerigaabo (Caasimada Online) ― Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Korneyl Caarre ay weerar ku qaaden Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku sugnaa deegaanada biya gaduud iyo dhoob ee bariga gobolka Sanaag.

Ciidamadan ayaa ilaa hadda ku dagaalamaya deeganadasi oo magaalada Ceerigaabo u jira 30-KM, waxaana la soo sheegayaan in ilaa Saddex ruux ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Warar ayaa sidoo kale waxay sheegayan in qaar kamida dadweynaha ku nool magaalada Ceerigaabo ay dhigayaan mudaharaad ay kaga soo hor-jeedan dagaalka ka qarxay duleedka magaladaasi.

Ilaa iyo haddana ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Xukuumada Somaliland iyo Jabhada uu hogaamiye Korneyl Caarre oo ku aadan dagaalkana maanta ku dhex maray deeganada bariga Sanaag.

Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com