Faarax Macalin: Axmed Madoobe waa inuu raacaa saaxiibadiis Shariif Sakiin & C/weli Gaas”

Kismaayo (Caasimadda Online) – Siyaasiga reer Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe isagoo sheegay in waqtigii Hogaamiye kooxeedyada uu dhammaaday oo ay tahay inuu dabagalo saaxiibadii Shariif Sakiin iyo C/weli Gaas, sida uu hadalka u dhigay.

Faarax Macalin oo si weyn u taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa farriimo soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in dadka qabiil ahaanta ku taageeraya Axmed Madoobe ay ka kooban yihiin qaar kasoo jeeda magaalada Gaarisa, Itoobiya iyo Qurbe-joog, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada dhowaan ka dhaceysa Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dadka degaan ahaanta u leh Jubbaland uu xoog ku heysto Axmed Madoobe, wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin aan caqli lahayn oo mar kasta ku celinaya khalad uu hore u galay.

“Soomaaliya waxaa la degay muddo 40 sanadood ah hoggaamiye kooxeedyo aan aqoon lahayn oo afduubtay beelahooda, daba-dhilifyadii Tigreega waa kii ugu danbeeyay. Madoobe waa inuu raacaa saxibkiis Getachew ama Sakiin iyo Gaas..” ayuu yiri Faarax Macalin oo weerar aan hore loo arag ku hal-gaaday Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto Madaxweynaha Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com