XOG: Yaa ka dambeeya dhacdooyinka argagaxa leh ee soo kordhay? + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo kamid ah dalka waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo kordhay dhacdooyin argagax leh, sida nin gubay xaaskiisa, naag ceeji ku dishay seygeeda, hooyo iyo wiilasheeda oo gowracay aabihiis qoyska.

Dhammaan dhacdooyinka ayaa saameyn ku yeeshay bulshada, waxaana ka dhashay walaac xoogan, hadda yaa ka dambeeyay dhacdooyinka soo kordhay?

Xildhibaan Cali Xaaji oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhacdooyinkan ay yihiin wax ku cusub Soomaalida, wuxuuna meesha ka saaray inuu sabab u yahay maandooriyaha, isaga oo sheegay in weligiis la isticmaali jiray.

“Soomaalida weligood-bey qaadka cuni jireen, weligood-bey sigaarkaa cabi jireen maxay u dhici u weysay hadda kahor,” ayuu yiri xildhibaan Cali Xaaji.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Arrin si dabiici ah u dhacday uma aragno, waxaan u aragnaa arrin abaabulan”,

Cali Xaaji ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay inay jiraan dad gaar ah oo doonaya inay meel marsadaan sharciga jinsiga ee horay looga diiday baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan u aragnaa waxan arrin abaabulan oo lasoo maleegay oo qoysaska lagu soo qaaday oo ujeedadeedu tahay in wax la marsado waad ogtihiin sharcigii jinsiga ee liitay, arrintii xumayd ee qowmu luudka ahayd oo baarlamaanka hadda kahor laga diiday, waxaasaa riixaya oo waxaa la doonayaa in wax liita nala marsado” ayuu kusii daray.

Waxaa kale oo uu yiri “Marka ay dhibaatadu badato ayaa waxaa la rabaa in la yiraahdo waxaa u baahan tihiin sharcigii kusfiga, kaas ayaa idinka dhiman ee marsada” ayuu mar kale ku jawaabay.

Ugu dambeyn wuxuu farriin dadka Soomaaliyeed iyo dowladda, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga soo horjeesto dhibaatooyinka haatan soo kordhay.

“Waxaan rajeynayaa in fadhiga laga kaco oo indhaha la furo oo la ogaado meesha ay balaayada ka socoto” ayuu kusoo gabagabeeyay.