CEEB: Yaa ka dambeeyay in Somaliland ay dib u dejin u sameyso qaxootiga Soomaalida YEMEN!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay faragalin ku sameysay go’aankii ay Somaliland ku diiday dib u dejinta Soomaalida kasoo barakacay dagaalada ka taagan dalka Yemen.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah oo dhex maray Xubnaha Dowlada Ethiopia ka jooga Magaalada Hargeysa iyo Maamulka Somaliland looga hadlay sababaha dhaliyay in Somaliland ay Deegaanadeeda ka mamnuucdo Soomaalida kasoo laabatay Yemen, iyadoona Xubnahaasi Ethiopia-nka ah ay Maamulka ku amreen inay fasaxaan Qaxootiga si looga fogaado cadaawada ka dhalan karta diidmada.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Qunsulka Ethiopia ugu magacaaban Hargeysa oo isagu la sheegay inuu ka gilgishay go’aanka Somaliland waxa uu Maamulka ku cadaadiyay inay Siyaasada kala dhexeysa Somalia ay ficiltanka la xiriira arrimaha Qaxootiga ka saarto.

Maamulka Somaliland ayaa aaminsan in gooni isu taaga ay haminayaan ay ku gaari karaan inay jaraan xiriirka kala dhexeeya Somalia, inkastoo dadka falanqeeya Siyaasada ay fakirkaasi ka soo horjeedan.

Somaliland waxaa ceeb ugu filan in amarka Ethiopia ay qaadatay, xilli ay dhegaha ka furreysatay baaqyada iyo codsiyadii Soomaalida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com