Video: Prof. SAMATAR oo ka digay arrin halis ah oo ay maamul goboleedyada horseedi doonaan!!

Amsterdam (Caasimada Online) – Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa hadal uu dhowaan jeediyey waxa uu ka digay cawaaqibka xun ee ka dhalan kara maamul-goboleedyada loo dhisayo Somalia, isagoo sheegay in maamuladaasi aysan wax dan ugu jirin umadda Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in welwelka ugu weyn ee uu ka qabo maamul qabiileedyada inuu yahay colaad hor leh oo ka dhex dhacda dadka Soomaaliyeed, oo dhul kala boob horleh lagu hoggaaminayo.

Halkan hoose ka daawo khubad kooban uu ka jeediyey dalka Holland mar uu la kulmay jaaliyadda Soomaalida dalkaasi.