Garaad Saleebaan oo u qoos gooyey PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya magaalada Garoowe ayaa cadaynaya in Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka labaad ee ugu facaweyn Isimadda Dhulbahante uguna degaanka balaadhan uu si toos ah ugu gacansaydhay Maamulka Puntland inuu ka qayb galo shirka Gaalkacayo:

Garaad Saleebaan ayaa sheegay in aanay jirin sabab uu u tago Gaalkacayo.

“Aniga dhulkaygii iyo dadkaygii Somaliland baa la wareegtay, Puntlandtii aan dhisayna ee ay ka tirsanaayeena waa dayacday, cid xitaa muujisay inay ka xuntahay ma jirto, 10 sanadood baa been laygu maaweelinayey oo la lahaa sanadka dambe ayaa la xoreynayaa, ma adhi baan ahay isagaan daasada ka ilbixine, sidaas darteed ceeb baa iigu sugan inaan maalinba shir aan dadkaygii joogin waxna loogu qabanayn tago oo ka hadlo, haddii hadal waxtarayo ama la maqlayo horaan u idhi” ayuu Garaadku hadal cad ku yiri.

Garaadka ayaa raaciyey “Arinta Gaalkacyo uma baahna in qabaail laysku soo urursho ee waa arin idiin taal dadkiina degaanka wada degan haday dagaal tahay iyo haday nabadgelyo tahay”.

Isku soo wada duuboo diidmada Garaad Saleebaan ee shirka Gaalkacyo ayaa dhabar jab weyn ku noqonaysa Maamulka Puntland iyo dadka ka shaqaysta, iyadoo la filayo inay saacadaha soo socdo lagu dhawaaqo in shirkii dib loo dhigay, si loo helo waqti dheeraada oo wax lagu abaabulo.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com