Axmed Madoobe oo hubeynaya mas’uul hore oo reer Gedo ah iyo xiisad dagaal oo taagan (XOG)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad dagaal ayaa waxa ay ka taagan tahay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, kadib markii halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamo kala taabacsan Gudoomiyihii hore Degmada Ceel-waaq iyo Taliyihii Ciidanka Militariga Degmada.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku lug leeyahay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo isagu garab siinaaya Sahal Maclin Aadan oo ahaa Gudoomiyihii Ceel-waaq.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu Hubeeyay Maleeshiyo beeleed uu watay Sahal.

Hubeyntaani ayaa timid kadib markii Taliyihii Ciidanka Militariga Fanax Cabdi Qeyre oo watay ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah uu weerar ku qaaday Hooyga Gudoomiyihii hore Degmada Ceel-waaq.

Degmadaani Ceel-waaq oo ay ka taagan tahay xiisada ayaa waxa ay kaalinta koowaad ugu jirtaa Degmooyinka uu Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe la damacsan yahay inuu kusoo biiriyo Deegaanada Maamulkiisa hoostaga.

Si kastaba ha ahaatee, Degmada Ceel-waaq, ayaa waxaa iminka ku sugan Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe oo iyagu u hiilinaayo Sahal Maclin Aadan, waxaana laga cabsi qabaa in halkaasi uu ka dhaco dagaal culus.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com