R/W CUMAR oo saakay safar ka ah MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa la filayaa in uu maanta gaaro Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiskiisa.

Booqashada Cumar Cabdirashiid, waxa ay imaaneysaa, iyada oo wajiga labaad ee Shirka Ergada Beelaha Mudug iyo Galgaduud uu maanta ka furmayo Magaalada Cadaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in uu furo Shirka, waana booqashadiisa labaad ee uu ku tago gobolka Galgaduud, waxa uu horay u tagay Magaalada Dhuusamareeb oo uu ka socday Shirka nabadeynta Beelaha.

Cumar C/rashiid ayaa waxa uu halkaasi ka jeedin doona Khudbad uu uga hadlaayo Shirka Cadaado iyo taageerida DF Somalia.

Lama Oga inta ay qaadan doonto booqashadiisa, inkastoo warar hoose ay dheegayaan in Caawa uu halkaasi baryi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdishi
Caasimada@live.com