Xukuumada Kenya oo leysku shandheyn doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu magacaabi doono Wasiiro cusub, halka qaarna ay saameyn doonto isku shaandheyn.

Madaxweyne Uhurro, waxa uu Golihiisa kusoo kordhin doona Wasiiro cusub oo uu kamid noqon doono taliyihii hore ee ciidanka KDF Janaraal Julius Karangi islamar ahaanataana umagacaabi doono wasaarad muhiim ah.

Waxaa jira wasiiro lagu eedeeyay musuqmaasuq oo bilo ka hor madaxweynuhu shaqada ka fadhiisiyay oo uu iminka ku socdo baaritaan.

Wasiiradan waxaa kamid ah wasiirka gaadiidka Injineer Michael Kamau oo ay isku magaalo ka soo jeedaan taliyihii hore ee ciidanka KDF Janaraal Julius Karangi.

Arintan ayaa la sheegay in Madaxweynaha fursad utahay si uu Janaraal Karangi ugu daro golaha wasiirada meeshana uga saaro injineer Michael Kamau.

Janaraal Julius Karangi ayaa la sheegay inuu saaxib dhow la yahay madaxweyne Uhuru Kenyatta uuna ahaa mas’uulka kaliya ee dhanka ciidamada taageeray musharaxnimadii Uhuru xili masuuliyiintii kale ay u ololaynayeen Musalia Mudavadi.

Xogtani waxay sheegaysaa in Janaraal karangi laga dhigi doono wasiirka arimaha gudaha halka Joseph Nkaisery oo hada ah wasiirka arimaha gudaha loo badali doono wasaarada difaaca.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in wakhti aan fogayn isku shaandhayn balaaran ku sameeyo golahiisa wasiirada iyadoo sida ay xogtu sheegayso wajiyo cusub ka soo dhex muuqan doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com