Muqdisho (Caasimada Online) – Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho oo ka hadleysay Weerarkii lagu qaaday Hooyga Xildhibaan C/weli Qanyare iyo Cabdi-Nuure Siyaad, ayaa sheegtay inuu ahaa mid uu ka dambeeyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Maxamed C/llahi Sanbaloolshe.
Idaacada ayaa waxa ay gabagabada warbixintaasi ku xustay in Weerarka uu ahaa mid loo soo maleegay Cabdi-Nuure Siyaad, waxa ayna sheegtay in Amarkaasi uu baxshay Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka oo la sheegay inay isku dhacsanaayen Cabdi-Nuure Siyaad.
Sidoo kale, Idaacada ayaa waxa ay sheegtay in Agaasimaha Hay’ada uu amar ku bixiyay in Cabdi-Nuure Siyaad la soo Kharijiyo, hayeeshee uu ka baxsaday Dilkaasi, sida ay baahisay Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho.
Cabdi-Nuure Siyaad, ayaa waxaa la Tilmaamayaa inay isku dhacsanaayen Agaasimaha, ka hor inta aan xilka loo magacaabin waxa uuna weerarkaasi uu ula jeedkiisu ahaa in Cabdi-Nuure Siyaad lagu dilo, balse Xildhibaan C/weli weli Qanyare uu kusoo dhex dhacay Dagaalka sidaana ay ku saameysay Xabadda.
Dhanka kale, Haddii ay dhab tahay in Weerarkaasi uu Agaasimaha Hay’adda amray isagoo ka aargoosanaayo Cabdi-Nuure Siyaad waxa ay xaajadu u muuqaneysaa mid qof waliba uu xilka uga aargoosanaayo ruuxa lidka ku ah, iyadoona taasi ay dhaliisheeda u laabaneyso Madaxda sare ee Dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho