Gaas oo xaqiijiyay in beesha caalamka ay dhexdhexaadineyso DF & Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadda ku sugan isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo magaalada Boosaaso ee gobalka Bari, ayaa sheegay in uu socdo wadahadallo ay garwadeen beesha caalamka ka tahay, kuwaasoo u jeedkooda uu yahay siddii loo dhexdhexaadin lahaa dowlaldda fedaraalka iyo maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay Puntland in ay diyaar u tahay sidii nidaamka fedaraalka uu ugu hirgali lahaa dalka oo dhan balse wuxuu ka digay in Gaalkacyo ay ka mid tahay qeybo badan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in uu socdo wahadallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka kuwaasoo looga gun lee yahay in la isku soo dhaweeyo dowladda dhexe iyo maamulka Puntland kaddib markii Puntland ay shaacisay in ay xiriirta u jartay dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in ay soo kala caddeyso waxa loogala jeedo Galgaduud iyo Mudug ayaa maamul loo dhisayaa isagoona intaas ku daray in Puntland aan marnaba ka gorgortami doonin dhul ay lee dahay in maamul loo sameeyo.

Wuxuu ku celceliyay in Puntland ay dooneyso in la hagaajiyo xiriirka ay kala dhexeyso dowladda fedaraalka balse loo baahan yahay in wax kasta loo sameeyo sidda ugu hagaagsan.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo ka hadlay wax yaabaha uu u tagay Boosaaso isagoona sheegay in Boosaaso u yimid siddii uu ula kulmi lahaa madax ka socota dowladda Imaaraadka kuwaasoo raba in ay mashaariic ka hirgaliyaan magaalada Boosaaso gaar ahaan in ay ballaariyaan dhismaha dekedda Kismaayo.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha ciidamada dowladda si uu gala hadlo dil dhawaan loogu geystay magaalada Boosaaso taliyihii ciidanka booliska iyo ku xigeenkiisa.

Wuxuu tilmaamay in ay aad uga xun yihiin dilkaas isla markaana ay labada sarkaal kuwa shaqooyin badan qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso

Caasimada@live.com