Arag Sawirada: 4 beel oo Muqdisho ku shiray oo si buuxda ugu dhowaaqay…

bMuqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay ka qeyb galeen waxgarad iyo odayaal dhaqameedyo metelaya qaar ka mid ah beelaha dega gobolka Sh/Hoose ayaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana looga dhowaaqay taageerada maamul goboleed matalay gobolka.

Waxaa kulankan uu ahaa mid dib u heshiisiineed oo lagu taageerayey maamulka Shabelle State, waxaana ka mid ahaa beelaha ka qeyb galay beelaha Hawiye, Biyo-Maal, Digil iyo Daamo, waxaana ka hadlay waxgarad fara badan.

???????????????????????????????Gudoomiyaha dhaqanka beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, oo kulankaas furay ayaa sheegay in kulanka ay isugu yimaadeen beelahan uu yahay mid muhiim ah oo dib u heshiisiineed.

???????????????????????????????“Beelahan waxay mudooyinkan lahaayeen kulamo gaar gaar ah oo dib u heshiisiineed, shirkaana waxaa uu kulmiyey kulamadaas maadaama beelihii ay hal goob soo wada fadhiisteen” ayuu yiri nabadoon Xaad.

Gudoomiyaha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ka gaabisay dhinaca dib u heshiisiinta beelaha ay wax kala gaareen, hase ahaatee ay odayaasha dhaqanku kaalintaas buuxiyeen kuna guuleysteen gaar ahaan gobolka Sh/hoose.

???????????????????????????????“Dib u heshiisiinta ay gaareen beelahan Soomaaliyeed waxay guul u tahay shacabka dega gobolka, dowlada Somalia iyo nabada, shirkana waa fursad qaali ah oo aan soo marin dadka halkaan fadhiya, waxaan rabnaa in walaalahood kale ee gobolka la dega iney nabada la wadaagaan” ayuu intaa ku daray Xaad oo intaa ku daray in kulamo lagu dhameystirayo dib u heshiisiinta beelaha lagu qaban doono dhowaan degmada Afgooye gobolka Sh/hoose kuwaasoo uu sheegay in sidoo kale lagu taageerayo maamulka Shabelle State.

???????????????????????????????Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankaas xubno ay ka mid ahaayeen Suldaan Cismaan Maxamed Maxamuud oo ka socday beesha Digil ee Sh/hoose, Ugaas Abroone Maxamed Shiikh oo ah Ugaaska beesha Biyomaal, Aadan Maxamed Xuseen oo ku hadlayey magaca beesha Daameed, Ex-xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka, Faadumo C/qaadir Faarax oo ku hadleysay magaca haweenka gobolka Sh/hoose iyo waxgarad kale.

???????????????????????????????Xubnahan ayaa dhamaantood waxay sheegeen iney ku faraxsan yihiin kulankan lagu shaacinayo dib u heshiisiinta ay gaareen waxayna xuseen iney dhowaan tegi doonaan degaanada ay ka soo jeedaan si beelaha ay metelaan heshiiskan loo gaarsiiyo, iyagoo ka codsaday dowlada iney gacan ku siiso dib u heshiisiinta ay wadaan.

???????????????????????????????Sidoo kale xubnaha ka hadlay goobtaas ayaa sheegay iney si weyn u taageersan yihiin maamul goboleedka Shabelle State waxayna sheegeen in maamulkaas mid aan aheyn aan laga sameyn Karin labada Shabelle, iyagoo xusay in maamulka Shabelle State uu ku yimid rabitaanka shacabka gobolada Sh/hoose iyo dhexe.

???????????????????????????????Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com