Aqriso: BEELAHA Gobollada Dhexe iyo sida ay XUBNAHA dhismaha maamulka cusub u qeybsadeen oo buuq dhalisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan lugu doonayey in lugu dhiso guddiga dhismaha maamulka Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay ayaa isfahan waa ku dhammaaday.

Shirkan ayaa ahaa mid lugu doonayey Beelaha degga labada Gobol ee la doonayo Maamulka in loo sameeyey in laga soo dhex xulo xubnaha ka shaqeynaya dhameystirka Maamulka, balse qabka wax loo qeybiyey ayaa waxaa ka soo horjestay qaar ka mid ah Beelihii ka qeyb-galay.

Ergooyinka dhismaha Maamulka ayaa kulanka kaga dhawaaqay sida ay Beelaha u kala heleen xubnaha ka shaqeynaya dhismaha Maamulka, waxaana qeyb-tooda ka saluugay qar ka mid ah Beelihii ka qeyb-galay.

Guud ahaana 25 xubnood ayey sheegen ergadu inay ka soo shaqeyn doonto dhameystirka maamulka,waxaana beeluhu xubnaha u kala heleen, sida hoose,

Beesha Hawiye waxaa ay heshey, 15-xubnood.

Beesha Mareexaan ee Gobolka Galgaduud, waxaa ay heleen, 3-xubnood.

Beesha Majeerteen ee Mudug degta waxaa ay heleen, 2-xubnood.

Beesha Leelkase ee Mudug degta waxaa ay heleen, 2-xubnood.

Beeshs Dir ee Mudug degta waxaa ay heelen, 1-xubin.

Beesha Shiikhal ee Mudug degta waxaa ay heleen, 1-xubin.

Beesha Carab Saalax ee Mudug degta waxaa ay heelen, 1-xubin.

Ergadu marka ay shaacisay guddiga markiiba waxaa dhashay buuq badan oo sabab u noqday in shirka la isku fahmi waayo,ugu danbeyna lugu kala kaco.

Isfahan waa inuu shirka ku dhammaado waxaa sabab looga dhigay labo arrimod oo kala ah, in qabaa’ilada ka socday beesha Daarood ay isaga baxeen shirka iyagoona sheegay inay caddaalada ka fogtahay qabka ay ergadu u qeybisay guddiga maamulka soo dhisaya.

Waxaa ay soo jeediyen in hab siman loo dhiso maamulka oo aysan cidna sad buuxsan maadaama la is degmooyin le eg yahay, balse haddii ay taas imin wayday ay ka laaban doonan qorsha maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug lugu dhisayo.

Maamulka oo la Rabo in loo Bixiyo MUGA

Qodobka labaad ee la isku diiday ayaa ah sida uu noqon doono magaca maamulka gobollada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud, waxaana dhinacyadii shirka ka soo qeyb-galay ay soo bandhigeen ilaa afar magac oo ay koox walba doonayso in maamulka uu yeesho.

Ximan iyo Xeeb oo maamusha qeyb ka mid ah dhulka maamulka loo sameynayo, waxaa ay soo jeediyen in magacooda loo bixiyey, sidoo kale maamulka Galmudug oo iyaguna soo jeediyey in Galmudug loo bixiyey maamulka.

Kooxda saddexad ayaa iyaguna soo jeediyey in maamulka loogu magacdaro Central State, halka kuwa ugu danbeenaya oo ay dowladda faderaalka la sheegay inay la socotana ay soo jeediyen in loo bixiyey magaca cusub ee ah MUGA oo looga jeedo Mudug iyo Galgaduud.

Arrintan ayaa sababtay in shirka la faarujiyo oo lugu kala dareero, balse waxaa la sheegay ergada ku howlan dhismaha maamulka inay wadaan dadaallo lugu doonayo in lugu xaliyo khilafka ka tagan xubnaha maamulka soo dhisaya iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

Isfahan waaga ka taagan dhismaha maamulka ayaa la sheegay inay caqabad weyn nodon doonto,waxaana horay maamulka ugu soo horjestay dowlad Goboleedka Puntland oo ka talisa waqooyiga galkacyo iyo Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ku sugan.

Si kastaba waxaa ay u muuqatana in arrimo badan ay hortaagan-yihiin Mudug iyo Galgaduud inay maamul noqdan, lamana garan karo dhismaha maamulka halka ay ku biyo shuban doonto iyo qabka uu u dhammankaro khilaafadka hareeyey.

Isha: KON