Xog: Muxuu Xasan Sh ka yiri beegsiga hubka siyaasiyiinta Hawiye ee Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Madaxtooyada kula kulmay Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Ammaanka iyo Sirdoonka, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Mas’uuliyiintaasi ka dhageystay waxyaabihii ka dhacay Muqdisho inta uu ku mashquulsanaa Socdaalkiisa, iyadoona ay warar hoose sheegayaan inuu canaantay Wasiirka Amniga iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu Wasiir Khaliif iyo Agaasime Sanbaloolshe ku amray inay kasoo jawaab bixiyaan qaabka ay u fuliyeen weeraradii lagu qaaday Hooyga siyaasiyiin Muqdisho degan, oo beesha Hawiye u dhashay, si gaar ahna Xildhibaan C/Weli Qanyare, maadaama uu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegayaa inuu aad uga carooday weerarkii lagu qaaday Cabdi Weli Qanyare, waxa uuna imaanshihiisa kadib Labadaasi Mas’uul ugu yeeray Villa Somalia, isagoona la sheegay inuu u qabtay Muddo Asbuuc ah inay jawaab ka keenaan sababihii ka dambeeyay weerarka C/Weli.

Sidoo kale, Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Madaxweyne Xassan uu Wasiir Ereg  ku amray inuu wax ka bedelo Howlgalada uu Saraakiisha ku amraayo inay guryaha ugu galaan Mas’uuliyiinta ka tirsan  Dowlada iyo siyaasiyiinta kale , waxa uuna ku Amaanay in mudada kooban uu xilkaasi haayo uu waxbadan ka bedelay Ammaanka Magaalada, balse uu banaanka soo dhigay weeraro dhibaatooyin badan kasoo wajahay Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegaya in inta aan la weerarin dadka hubka ku haysta Muqdisho, ay haboon tahay in la siiyo fursad ay si nabad ah hubka ugu soo wareejiyaan, haddii ay diidaanna markaas kadib ay dowladda go’aan ka gaarto.

Falalkii ay ciidamada dowladda Muqdisho ka geysteen habeennadii dhowaa, ayaa waxaa aad u dhaliilay siyaasiyin iyo shacabka Muqdisho, oo ku qeexay hab maleeshiyo-nimo oo aan dowli ahayn

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com