Axmed Xaabsade oo sheegay sababtii uu ugu goostay PUNTLAND (Dhageyso)

Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo horrey wasiirka warfaafinta uga soo noqday maamulka Somaliland ayaa dhawaan u goostay dhinaca Puntland wuxuuna sheegay in uu halkaas u tagay siddii uu isugu soo dhaweyn lahaa maamulada Khaatumo State iyo maamulka Puntland.

Axmed Cabdi Xaabsade oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in uu ka fadhistay siyaasadda ee uusan u goosan Puntland oo uu mucaarad noqday.

Waxaa kaloo uu sheegay in uu udhashay deegannada Puntland iyo Khaatumo State marka uusan isku arkin nin ka soo goostay Somaliland.

Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ku celceliyay in uu hadda yahay oday dhaqan oo raba in uu wax ka dhiso maamulada Puntland iyo Jubba.

Mar la weydiiyay in uu loo magacaabi rabo xil culus wuxuu iska fogeeyay arrintaas balse wuxuu tilmaanay in ay haddii la soo jeediyo uu diyaar u yahay.

Waxaa la weydiiyay khilaafka u dhexeeya maamulada Khaatumo State iyo Puntland, wuxuu ka dhawaajiyay in uu ku howllan yahay siddii uu isku soo dhaweyn lahaa Puntland iyo Khaatumo oo uu isaga u dhashay isagoona tilmaamay arrinta Laasacaanood in ay meel hagaagsan mareyso.

Hadalka Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowr cisho ka hor uu siyaasigan tagay magaalada Garoowe halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Xaabsade uu u goosto dhinaca Puntland balse markan wuxuu lee yahay ma dhaceyso in aan dib ugu soo laabto Somailand.

Halkan ka dhageyso Xaabsade

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com