Daawo: Geedi iyo Puntland oo weerar afka ah isku qaaday (Hawiye xukun ma mudneyn & SSDF baa ka adkatay USC)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa ka dhacday Nairobi Xaflad lagu taageerayay Maamulka Puntland, waxaana Goobta ka dhacay dagaal Qaboow oo ay isku qaadeen siyaasiyiinta reer Puntland iyo kuwa Muqdisho.

Xili lagu Jiray Xaflada ayaa waxaa goobta ka hadlay Xaaji axamed Yaasiin, oo ka hadlay xoriyadda Soomaaliya iyo inay caddaalad darro ahayd in xukunka Somalia ay qabtaan siyaasiyiinta Hawiye, kadib gobinimadii, isaga oo si dadban u sheegay in beeshiisa ay xukunka usoo halgantay, ayna mudneyd in la siiyo.

Waxaa sidoo kale ay reer Puntland ammaaneyn jabhaddii SSDF, halka ay weerar ku qaadeen kuwa USC.

Waxaa hadalkii qaatay Prof. Cali Maxamed Geedi oo u jawaabay, ayaa sheegay inay nasiib darro ay tahay in dadkii xoriyadda usoo dagaalamay sida Aadan Cabdulle Cusmaan, Cabdullaahi Ciise iyo wixii la mid ah la yiraahdo ma mudneyn xukunka.

“Waxaan rabaa in aan runta sheego ma jirto jabhad ay weyso u dhowrnayd, ninkii ka xuman lahaa iyo kii ku farxi lahaa, dhamaan Jabhadihii dalka soo maray dhibaato ayay dalka gaarsiiyeen”ayuu si kulul u yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Halkan ka dhageyso hadallada la is weydaarsaday

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com