XOG: MUSTAF DHUXULOW oo wadnaha farta ku haayo (Maxaa soo kordhay?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Beesha Karanle Murusade ayaa inoo xaqiijiyay in Odayaasha dhaqanka Beesha Murusade ay kulan deg deg ah isugu yeereen xildhibaanada uga jira Baarlamaanka DFS si ay uga tashadaan aayaha Wasiir Mustaf Dhuxulow iyo weeraradii maalmahaani lagu qaaday.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Xildhibaanada iyo Odayaasha kulanka qaadan doono ay u cod qaadi doonaan kalsooni kala laabashada Beesha ee Wasiir Mustaf oo isagu matalaaya Beesha, balse aan u dhaq-dhaqaaqin Howlaha beesha Khuseeya, isagoona ay ku eedeeyen inuu lumiyay kalsoonidii uu ka heystay Dhalinyarada iyo Siyaasiyiinta.

Wasiir Dhuxulow, ayaa la Tilmaamayaa in goortii xilka loo yagleelay illaa iyo hadda uusan talaabo u qaadin Beesha uu kasoo jeedo taasi oo keentay in Beeshu ay Dhuxulow u aragto Wasiir Fashilmay, sida laga soo xigtay Odayaasha

Sidoo kale, Ilo wareedka ayaa sheegaya in Kulanka Degdega ah looga tashan doono garaafooyinkii maalmahaani Beesha kasoo gaarayay dhanka Hay’ada Nabadsugida iyo Wasaarada Amniga oo weeraro u geystay Siyaasiyiin iyo Saraakiil Beesha ka tirsan islamarkaana qaarkood ay iminka weli ku jiraan Xabsi.

Suldaan Xasan Madow oo ah Suldaanka Beesha oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in kulankaasi uu khuseyn doono sida beeshu ay uga tashan laheyd caqabada cusub ee soo wajahday wixii ka danbeeyay dhismihii Xukuumada uu Mustaf kamid yahay, isaga oo si cad u sheegay in cid danaha beesha meteli karta aysan kamuuqan xukuumada.

Waxa uu sheegay Suldaanku in xildhibaanada dhan ay fariin deg deg ah u direen Mustafna ay amar kusiiyeen in uu kulankaasi kasoo qeyb galo si uu goob joog uga ahaado sida wax u dhacayaan, maadaama uu ka gaabiyay in uu sii hagaajiyo xariirka dowlada iyo Beesha.

Dhanka kale, Kulanka ayaa la filayaa in wax badan leeska yiraahdo qalalaadka xad-dhaafka ah ee uu galay iyada oo sidoo kale lafilayo in laga aqriyo bayaankii dhalinyarada kasoo baxay ee looga soo hor-jeeday Wasiirka war-faafinta, waxaana la filayaa in kulanka uu dhaco maalinta bari ah ee Khamiista.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com