Muxuu Cabdi Weli Gaas ka yiri codsigii kaga yimid DOWLADDA SOOMAALIYA?

Muqdisho (Caasimada Online)– Madaxweynaha Maamulka  Puntland C/weli Maxamed Cali ‘’Gaas’’, ayaa goor dhow shaaciyay in Maamulkiisa aysan ka qeybqaadan doonin shirka iminka ka socda Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay in Dowlada Federaalka ay ka codsatay inuu soo ajiibo ka qeybgalka shirka hayeeshee uu sheegay inuu diiday ka qayb galka Shir Magaaladda Muqdisho.

Shirka loogu yeeray Madaxweyne Gaas, ayaa waxaa Hogaaminaya 15 Xubnood ee joogtada ka ah Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, iyadoona ay  ka qeyb galeen  Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Juba Axmed Madoobe ayaa isaguna goor dhow soo gaaray Madasha Shirka si uu uga qayb galo Shirka ay Hogaaminayaan Xubnaha Golaha Amaanka.

Imaanshaha Golahaani ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay Muqdisho ku imaadan laga soo bilaabo bur-burkii Dowladii dhexe ee Somalia.

Diidmada ka soo qeybgalka uu muujiyay Madaxweyne C/weli Gaas, ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xilli uu dhawaan Shaaciyay inay xiriirka u jareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,isagoo Xubnaha ka jooga Muqdisho ugu baaqay inay soo faarujiyaan Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqisho

caasimada@live.com