Dhaqtar 5 goor ka badbaaday dil ay DF SOMALIA la damacsaneyd (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimaada Online) – Dr Xaashi Dhiblaawe Siyaad oo kamid ah Dhakhaatiirta ka howlgasha Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inuu ka bad-baaday iskuday dil oo lagu doonaayay in lagu Kharijiyo.

Dr Xaashi waxa uu sheegay in Ciidamada Nabadsugida ay rasaas ooda uga qaaden xilli uu maraayay wadada Sayidka ee Magaalada Muqdisho, halka Ciidamada rasaasta ku furayna ay marayeen isla wadada balse ay kusii jeeden Isgoyska L4.

“Anigoo ay ila socdee Carruurteyda iyo Xaaskeyga ayay rasaas igu fureen wadaduna ma aheyn saxmo ee waxa ay doonayeen inay idilaan, waxa ay filayeen in rasaasta ay i haleeshay laakin alle ayaa iga bad-baadiyay shartooda’’ ayuu yiri Dr Xaashi oo intaa kusii daray in Afar jeer oo horay lagu soo qaaday weerar, midkanna uu ahaa kii shanaad, balse uu ka baxsaday.

Dr Xaashi waxa uu sheegay haddii uu u geeriyoodo rasaas ku dhacda ama dil loo geystay ay ka dambeeyan Ciidamada Nabadsugida, isagoona horay ay u Toogteen Ciidamada Nabadsugida wiil isaga la dhashay oo ku baxay gacanta Ciidamada Nabadsugida.

Dr Xaashi waxa uu Dowlada Federaalka ugu baaqay inay sugto Ammaankiisa waxa uuna Tilmaamay inay il gaar ah ku eegto Ciidamada daan-daansiga ku hayo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Dr Xaashi waxa uu cadeeyay in lagu raadinaayo fursado lagu dilo, islamarkaana ay baadi-goobayaan dad isagu uusan garaneynin.

Halkan ka dhageyso hadalkiisa

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com