Kacdoon ka dhan ah DF oo laga cabsi qabo inuu ka dilaaco XAMAR, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka Muqdisho ayaa ku dhow in ay dowladda mucaarad ku noqdaan kaddib markii ay marar badan la kulmeyn culeyso aad u ballaaran oo kaga yimid dhinaca dowladda.

Arrintan ayaa la xiriirta marka ay madaxda dowladda u ambabaxayaan ama ay ka immaanayaan dibedda iyo marka ay rabaan in ay booqdaan goobo gaar ah in la xiro waddooyinka isla markaana dadka loo diido in ay maraan, taasna waxay keentaa in dad badan oo rabay in ay aadaan shaqo ama goobo kale ay dib la soo daristo.

Sidoo kale waxaa arrintaas ay saameyn ku yeelataa bukaan rabay in uu aad takhtar oo xitaa mararka qaar xaaladiisa caafimaad ay halis noqoto.

Haddaba, Wariye Caasimada Online ka tirsan ayaa la lugeeyay qaar ka mid dadka arrintaas ay saameynta ku yeelatay, wuxuuna sheegay in dadka qaar ay ku jiraan dad da’ ah iyo arday u socday Jaamacado iyo Iskuulo kuwaasoo dib u dhac ay ku dhacday maalintaas.

Dadka uu la kulmay wariyaha ayaa u sheegay in ay dhib weyn ku qabaan safarada madaxweynaha iyo marka ay dalka ku soo laabanayaan in la xiro waddooyin muhiim ah.

Baabuurta ayaa mararka ay arrintaas dhacdo waxay maraan goobo qarbo jeex ah lacagtana waa ay kordhiyaan.

Qaar ka mid ah dadka ay arrintaas la kulmay dhowr jeer ayaa madaxda dowladda ka codsaday in waddooyinka la xiraayo ay dhibaatooyin kale ay ka dhalan karaan.

Shaley markii uu madaxweynaha ka soo laabanayay Maraykanka waxaa la xiray waddooyinka muhiim ah sidoo kale ra’iisal wasaaraha oo xarigga ka jarayay wasaaradda dhallinyarada ee xukuumadda ayaa isna loo xiray waddooyin muhiim ah.

Madaxda dowladda waxay u muuqdaan kuwa aaney ka fikirin dhibaatada ka dhalan karta waddooyinka la xiro mararka ay meelo booqanayaan ama safar dibedda ay u ambabaxayaan. 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com