Guddoomiye degmo oo ka badbaaday dil oo ay la damacaneyd nabad sugida

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidda uu warbaahinta u sheegay guddoomiye waaxeedka xaafadda Taleex ee degmada Hodan, Calas Maxamed Guure, ayaa sheegay in uu ka badbaaday isku day dil oo ay u geesan rabeyn ciidamo nabad sugida ka tirsan.

Sarkaalkan ayaa sheegay isagoo wata ciidamo ilaalo ah in ay xaafadda Taleex ay ku istaajiyeen ciidamo nabad sugida ka tirsan kuwaasoo ku yiri adiga ayaan ku raadineynay oo waxaan rabnaa in aan ku dilno.

Waxa uu sheegay in ilaaladiisa ay difaaceyn oo ay badbaadiyeen kuwaasoo la dagaallamay ciidamada nabad sugida.

Wuxuu sheegay dhacdadaas in uu ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa baabuurkii uu watayna ay wax yeelo soo gaartay.

Mudane Calas Maxamed Guure ayaa tilmaamay in qorshaha uu ahaa in isaga la khaarijiyo sida uu hadalka u dhigay maadama lagu yiri adiga ayaan ku raadineynay.

Guddoomiye waaxeedka xaafadda Taleex ayaa ku celceliyay in ciidamada nabad sugida ee dowladda in ay u badan yihiin dhallinyaro aan xirfad ciidan lahayn oo u hubeysan sidda maleeshiyaad.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay shirqoolka uu xaley ka badbaaday uu la mid yahay mid lagu weerarray xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo dagaal ooge Cabdinuure Siyaad kuwaasoo dhowr habeen ka hor lagu weerarray guryahooda oo waxaa weeraray ciidamo nabad sugida ka tirsan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay hey’adda nabad sugida oo ku aadan eedeenta uga timid guddoomiye waaxeedka xaafadda Taleex ee degmada Hodan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com