DFS oo ka warrantay wax yaabaha ay kala hadleyn xubnaha golaha amaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda xukuumadda Soomaaliya, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka warbixiyay wafdi ka socda 15-ka xubnood ee golaha ammaanka QM kuwaasoo shaley booqasho taarikhi ah Muqdisho ku yimid.

Wasiirka oo u warramay VOA-da ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada wafdiga golaha ammaanka QM ka socday isagoona intaas ku daray in arrimo dhowr ah ay kala hadleen.

Wuxuu sheegay wafdiga in ay kulamo la qaateen madaxda dowladda sidda madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xildhibannada baarlamaanka.

Mar uu ka hadlaayay wax yaabaha sida weyn looga hadlay kulanka, wuxuu tilmaamay in aad looga hadlay siddii dowladda ay u sameyn lahayd guddi madax-banaan oo ka shaqeeya doorasho ka dhacda dalka sannadka marka uu yahay 2016-ka iyo siddii dib u eegis loogu sameyn lahaa dastuurka qabyada ee dalka.

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa xusay in xubnaha golaha ammaanka QM ay muujiyeen sidda ay ula dhacsan yihiin wax-qabadka dowladda isla markaana ay diyaar la yihiin taageero ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dr.Cabdiraxmaan Ducaale ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ka faa’ideysato fursada ay heysato loona baahan yahay shacabka in ay taageero u muujiyaan dowladooda.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed aaney waxbo u tareynin taageero dibadeed ee loo baahan yahay in ay ka faa’ideystaan kheyraadka uu eebe weyn ku maneestay oo ay ka mid tahay wabiyada, badaha iyo beeraha dalka ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay booqashada taarikhiga ah ee xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay uu Muqdisho ku yimid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com