Soomaali ka dagaalameysa dal African ah oo aan laga fileynin (XOG CUSUB)

Timbuktu (Caasimada Online) – Taliska Hawlgalka QM ee dalka Mali (MINUSMA), ayaa xaqiijiyey in Dagaalyahanno ka kala yimid dalalka Somalia, Chad iyo Tunisia iyo kuwa haysta dhalashadda dalalka Spain iyo Morocco ay ka dagaalamayaan Galbeedka magaalladda Timbuktu ee dalka Mali.

Dagaalyahanadaasi ayaa xubno ka ah Kooxda Al-Qaacidada Islaamka Maqrib (AQIM) ee dagalladda ka wada dalka Maali iyo qeybo ka mid ah dalalka Algeria, Tunisia iyo Libya.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Ciidanka Faransiiska ee ku sugan dalka Maali gacanta ku dhigeen saddex qof oo lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin Alqaacida.

Afhayeenka Milliteriga Faransiiska, Lt. Col. Michel Sabatie oo la hadlay Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA, ayaa sheegay inay su’aallo weydiinayaan ragga la qabtay, wuxuuna xusay inay ku wareejin doonaan Dowladda Mali.

Waxa uu intaasi ku daray in raggaasi lagu qabtay xilli ay Ciiddanka Gaarka ee Faransiiska hawlgal ka wadeen meel ku dhow Degmadda Timbuktu.

2,300 Askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan dalka Maali, kuwaasi oo tan iyo sannadkii hore hawlgal kula jira Dagaalyahannadda Al-Qaacida ee ku sugan Waqooyiga Mali.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com