Daawo Video: Fowsiya oo qirasho yaab leh sammeeysay, hadal aan laga fileyn-na ka tiri Somaliland + Tallaabada BFS

London (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somalia Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa markii ugu horeeysay qiratay inay caalamka u kala dirtay warqado ay ku dalbaneyso in lasoo furo hantiada Somalia uga xayiran caalamka.

Fowsiya oo hore u inkiri jirtay inay lug ku yeelatay isku dayga xatooyadda hantida Qaranka Somalia ee Caalamka taal, waxay ugu dambeyn sheekadaan ku qiratay Wareeysi gaara oo Somali Channel ay siisay.

Fawziya waxaa la weydiiyay inay dimbi tahay in qareenada Shulman Rogers loo qoondeeyay inay hantida Qaranka Somalia qaataan boqolkiiba koow iyo toban 11%.

Markii Wariyaha Su’aashaas hadba dhinac ka geliyay ayey qiratay inay dimbi tahay, oo ay qalad ula muuqato.

Dhinaca kale, Fawziya Yuusuf, oo ku dhaaratay inay Midnimadda dalka iyo dadka Jamhuuriyadda Somalia muqadis tahay, waxay wareeysigeeda ku cadeeysay inay aaminsan tahay Madaxbanaanida Somaliland.

Fawziya waxay tiri “Somaliland waxay ka mid ahaan jirtay Somalia, laakiin hada waa laba dal, oo waxay Somaliland ku adkeeysaneysaa inay goosatay”

Hadii Baarlamaanka Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed leeyihiin aragti wadaninimo iyo ilaalin Dastuur waxay Fawziya mudan tahay in laga saaro baarlamanka.

Halka ka daawo wareysiga Fowsiya

Caasimada Online

Xafiiska London

Caasimada@live.com