XOG: Dagaal waji cusub oo u billowday Cabdi-Waal iyo C/llaahi Sambalooshe

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Siyaasiyiinta ku dhow-dhow Cabdi-Waal oo dhawaan ka bad-baaday isku day dil, ayaa sheegaya in Cabdi-Nuure uu ku howlan yahay ka jawaabida weerarkii lagu qaaday Agusut 10 ,2014 xilli uu kasoo baxaayay Hotel Jaziira ee Magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Cabdi-Waal oo sheegay in laga qaatay Hub iyo lacag uu ka bixin doono Jawaab, iyadoona ay warar hoose sheegayaan in iminka uu sameynta askar cusub oo tiro badan, kuwaasi oo isugu jira Militeri iyo Bolis, halka uu iska fogeeyay Nabadsugida, maadaama ay isku dhacsan yihiin Agaasimaha Hay’ada Sirdoonka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)  oo uu ku sheegay mid isaga ka dambeeyay weerarkii lagu toogan lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Cabdi-Waal oo kasoo jeeda beesha Cayr ee Habar-Gidir uu hooy ka dhigtay Hoteelada Muqdisho, isagoona marba mid jiifanaayo, cabsi kaga imaaneysa dhanka Nabadsugida awgeed.

Dhanka kale, Agaasimaha Hay’ada Nabadsugida C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa la sheegayaa inuu qaatay Ciidamo aad u farabadan kuwaasi uu uga gashamanayo Cabdi-Waal oo ay guluf colaadeed kala dhexeyso.

Sanbaloolshe, ayaa la sheegay inuu cabsi qaba inuu weerar kala kulmo Cabdi-Waal, kadib markii Idaacadaha Magaalada Muqdisho ay shaaciyeen wareysi uu Siyaasiga baxshay,  islamarkaana ku tilmaamay Shanbaloolshe mid ay cadaawo kala dhexeyso.

Dowlada Federaalka weli kama aysan hadlin Weerarada ay qaadayaan shaqsiyaadka Awoodaha Dowlada uga faa’iideysanaaya gulufta kala dhexeysa Siyaasiyiinta qaar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com