GALAYR oo loo doortay MADAXWEYNE

Saax-dheer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deeganka Saax-dheer ee gobalka Sool ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhacday doorashadda madaxtinimada ee maamulka Khaatumo State.

Waxaa haatan soo dhamaatay Doorashadii madaxwaynaha maamulka khaatumo taasi oo ay ku tarmatayeen Madaxwayinihii hore ee maamulka Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Indhosheel iyo Dr Cali Khaliif Galaydh.

Doorashada ayaa waxa Lagu kala baxay Wareegii Koobaad, waxaana Madaxwaynaha maamulka Khaatumo noqday Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi Caan ah oo Ra’iisul wasaarana kasoo noqday wadanka Soomaaliya.

Waxaa cododka ay u kala heleen labada Musharax : Cali Khaliif Galaydh ayaa wuxuu helay 21 Cod, Maxamed Yuusuf Jaamac Ayaa wuxuu helay 9 Cod.

Sidaa darteedna Cali Khaliif waa madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.

Caasimada Online

Xafiiska Laascaanood

Caasimada@live.com