Samatar: ‘’Xasan isagaa og meesha uu ku harsan lahaa haddii ay shacabka iyo Beesha caalamkuba ay wada naceen’’

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani ay Dowlada Somalia la daal-dhaceysay Banaanbaxyo iyo Kacdoono Siyaasadeed oo looga soo horjeedo ayaa waxaa soo kordhaayo Siyaasiyiinta kasoo horjeesanaaya Madaxweynaha iyo Golayaashiisa.

Cabdi Ismail Samatar oo ku sugan Dalka Mareykanka, ayaa waxa uu aad u dhaliilay qaabka ay ku shaqeyneyso Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh, waxa uuna Tilmaamay in qaabkaasi uusan sii socon doonin waa haddii aan wax laga bedelin.

Cabdi Ismail Samatar waxa uu sheegay inay soo ifbaxayaan Kacdoono ka dhan ah Dowlada Xassan, taasi oo uu ku sheegay mid Albaabada u fureyso diidmada Madaxweynaha iyo Dowladiisa oo muujineysa howlkar la’aan.

Cabdi Ismail Samatar oo ka qeybqaadanaayay Barnaamij ka baxaayay Idaacada SKY ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu yiri ‘’Mar hadii ay dadku ka jeesteen dowladnimo wey ka dhamaatay Xassan iyo Xubnihiisa, maxaa yeelay shacabku wuu daalay waxa ay u baahan yihiin Madax aan isku mashquuleynin oo dalka hagaajineysa’’

Cabdi Ismail Samatar waxa uu Tilmaamay in Madaxweyne Xassan iyo Golayaashiisa ku adkaan doonto inay kusii raagan xilalka ay hayaan, isagoona u sababeeyay diidmooyinka uga imaanayo Shacabka.

Dhanka kale, Waxa uu Cabdi Ismail Samatar Madaxda Dalka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan Aayaha Dalka iyo dadka, isagoona ka digay in dalka lagu hago qaabka ay hadda Howshu u socto.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com