XOG: Yaa ka dambeeyay weerarkii lagu khaarijin lahaa abaanduulaha ciidanka xoogga SOMALIA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii lagu khaarijin lahaa abaan-duulaha Ciidamada Xooga dalka Gen C/risaaq Khaliif Cilmi, kaasi oo loo galay inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo deegaanka Namber Konton ee Gobolka Sh/Hoose.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Militeriga ee ka howlgala G/Sh/Hoose oo lagu magacaabo C/casiis Axmed ayaa sheegay in qorshahaasi uu ahaa mid loo maleegay Abaan-duulaha iyo Ciidamada la socday.

Waxa uu sheegay in xog ay heleen ay muujjineyso in qorshahaasi uu ka dambeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxa uuna Sargaalkaasi sheegay in qorshaha uu ahaa mid ay fulinayeen Ciidamo Maamulka hoostaga oo iyagu ku hubeysnaa ilaa Afar gaari nooca dagaalka ah.

Waxa uu tilmaamay in howlgal ay meesha ka fuliyeen ay kusoo qabteen qaar kamid ah Ciidamada qorshaha lagu dili lahaa Abaan-duulaha fulinlahaa waxa uuna cadeeyay inay sheegen inay ka tirsan yihiin Maamulka Gobolka Sh/Hoose.

‘’Waa nasiib darro in Dowlada dhexdeeda ay isku maleegto qorshooyin ceynkaani ah, mida aan la yaabanahay waa Ciidamo ka tirsan Militeriga inay isku dayaan khaarijinta Abaan-duulaha dabcan tani leysagama hari doono meel ayaan uga soo hari doonaa’’

Abaan-duulaha iyo gaadiid dagaal oo uu watay ayaa waxaa lagu weeraray inta u dhexeysa Degmada Afgooye iyo deegaanka Namber Konton ee Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan deegaanka Muuri, xilli gawaaridaasi ay ka timid dhinaca deegaanka Tooratoorow oo ay gacanta ku dhigtay DF Somalia oo garabsaneysa Ciidamada AMISOM.

Madaxda sare ee DF Somalia ayaan weli ka hadal weerarka markii laga reebo Saraakiisha Ciidamada Militeriga oo iyagu weerarka ku sheegay mid meel fog laga soo maleegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com