“Baarlamanka SOMALIA oo u afduuban laba nin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa sharaf dhac ku tilmaamay baaqashada cod u qaadista mooshinka Jubba oo mar kale shalay socon waayay kadib markii tirada xildhibaanada yaraatay oo ay gaari waayeen kooram.

Isagoo war kooban saxaafadda siiyay ayuu Jeylaani shaaciyay in baaqashada kulamada Baarlamaanka ku yihiin sharaf-dhac jiritaanka Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in shir degdeg ah arrinran ay yeelanyaan guddiyada Baarlamaanka oo go’aan laga gaari doono.

Fadhigii shalay ee Baarlamaanka ee ayay soo xaadireen 131 Xildhibaan, iyadoo la doonayay inay kulanka fadhiyaan  139 xildhibaan si cod loo qaado shirkuna u furmo.

Madaxda dowladda iyo guddoomiyaha baarlamaanka ayaa dejiyay qorshe lagu curyaaminayo Baarlamaanka fadhiyadiisa si aysan u dhicin in cod loo qaado mooshinka laga keenay baarlamaanka loo sameeyay maamulka Jubba.

“Baarlamanka waxaa afduubtay laba nin oo Xasan Sheekh iyo Jawaari kala ah” ayuu yiri xildhibaan carreysan.

Xildhibaanada qaarkood  ayaa ku doodaya in la siyaasadeeyay mooshinkii Jubba  oo la doonayo in lagu curyaamiyo Baarlamaanka laguna xumeeyo sharaftiisa, hase yeeshee waxaan laga war sugayaa halka uu ku danbeyn doono Mooshinkan Jubba laga keenay ee hor yaalla baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com