Jubbaland oo u hanjabtay Shariif Xasan iyo BFS!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Maamulka Jubaland Gen. Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ‘’Fartaag’’ oo xafiiskiisa kula hadlay saxaafada madaxa-banaan ayaa waxa uu si adag uga hadlay Mooshinka Baarlamaanka Jubba ka yaala Xarunta Golaha shacabka DF Somalia.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu fariin hanjabaad u muuqaal eg u diray BF Somalia iyo Maamulka Koonfur Galbeed ee Shariif Xasan isagoo xusuusiyay in maamul goboleedyadu aysan ku dhsinayn qaab qabiil balse ay ku dhisan yihiin qaab deegaan.

Fartaag oo ku hormaray Maamulka Koonfur galbeed, ayaa waxa uu sheegay in Maamulkaasi dadka kasoo jeeda ay wada degaan sidaa darteedna Hogaanka Maamulka Koonfur galbeed looga baahan yahay inay dhowraan xushmada iyo xuduuda kala dhexeysa Jubbaland.

Waxa uu sheegay hadii ay dhacdo in Koonfur galbeed ay dhowri weyso wanaaga ay ku tashan doonaan jaantaa rogan oo nin kasta ninki la beel ah raadsan doono.

Fartaag oo taasi micneynaayo ayaa waxa uu Tusaale usoo qaatay sadaxda degmo ee Yeed, Aato iyo Ceebarde ee gobolka Bakool iyo maamulka laga dhisayo gobolada dhexe oo ay dagan yihiin dad la hayb ah dadka dagan Jubaland, taasina ay caqabad hor leh ku noqon karto jiritaanka Koonfur Galbeed.

Isaga oo fariin u diraayay Shariif Xassan ayaa waxa uu yiri ‘’Ogaaw deegaanada aad maamuleyso waxa ku nool kala bar inay asal ahaan kasoo jeedan Jubbaland. Hadii aad kusii fogaato siyaasada Jubba dhulka iyo cirka ayaad ka filan doontaa kacdoon Siyaasadeed oo ku xanuun jiya’’

Mar uu sidoo kale Fariin u diraayay BF Somalia ayaa waxa uu sheegay in Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa Mooshinka wada ay xiligaani la daala dhacayaan uqdad ka heysata qaab dhismeedka Maamulka iyo Horumarka ka socda Deegaanada Maamulka waxa uuna uga digay inaysan maanka ku heyn in Mooshinkaasi laga gaaro dantii laga lahaa.

‘‘Kuwa haatan mooshinka la ordahaya ee shar wadayaasha ah hadii dhab la isu sii waraysto ma ahan deegaanadan Jubaland kuma abtirsadaan laakiin ree hebel oo reer hebel ka dhashay baa meesha dagan inay ku socdaan waa suura gal.Nidaamka fadaraalku ma aha nidaam qabiil ah ee waa nidaam deegaan ah,hadii la yidhaahdo qabiil halaga dhigo hadee waad garanaysaano dadkan deegaankan gobolada way wada dagan yihiin.Koonfur Galbeed dad baa dagan,dadka dagan waa deegaan ma rabno inaan ka doodno oo aan dhahno ree hebel maxaa saas loo yeeli la’yahay inaan dhahno ma doonayno dadka deegaanka ayaa wada hadli doona.’’

‘’Waan ka dharagsanahay cida Mooshinka naas-nuujineyso ee yaan lagu qaldamin Jubbaland cidna libin kama duudsaneyso ee waxa ay wadaa sidii loogu noolaan lahaa nolol iyo Horumar, hadii aad raaxo moodaan in Mooshinkaasi uu hirgalo ha ogaadan in taasi aysan suuragali doonin’’

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisi sii wata ayaa ka digay cawaaqibta ka dhalan karta hadii mooshinkan la sii wado wuxuuna sidan.

‘‘Waxaa leeyahay oo mar labaad iyo mar sadaxaad leeyahay iska ilaawa mooshinkaas ku aamina xukumada loo dhiibay ku aamina heshiiska Jubaland iyo DFS ay wadagaleen.Hadii lagu aamini waayo mooshinka uu soo noqdo anaguna waxaan sameyn doona arrin ay dhagta farta la gishan doonaan kuwa wada Mooshinka’’

Hadalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku soo beegmay iyadoo mar afraad la isku dayay in cod loo qaado mooshinka ka dhanka ah baarlamaanka Jubaland ee horyaala baarlamaanka balse la waayey kooram ku filan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com