Daawo sawirro ka turjumayo dayactir iyo habeyn casri ah oo lagu sameynayo dekadda Boosaaso!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa Dekadda Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobalka Bari kusoo bandhigay Markab Dhoolotus ka sameeyay Dekada Magaaladaasi Boosaaso.

Markabka oo aad u weyn ayaa waxaa la tilmaamayaa inay leedahay shirkad magaceeda lagu sheegay Divers Marine Constracting oo xiriir wanaagsan la leh Maamulka Puntland.

Shirkada Markabkaani leh ayaa waxa ay howl dib u dayactir dhowr bil qaadan doonto ka sameyn doontaa Dekada Magaalada Boosaaso sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka.

Markabkaani ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa inuu soo daabuli doono qalabka dhismaha Dekada, halka qalab kalane ay iminka kusoo jiraan Badda.

Maamulka ayaa sheegay in Dayactirka Dekada Magaalada Boosaaso ay si toos ah u bilaaban doonto bisha Septembar taasi oo xiligan Diyaar Garowga howshan ay ka socoto Magaalada Boosaaso.

Maamulka ayaa kalsooni ka muujiyay qaab dhismeedka iyo howlaha la xiriira Dekada waxa ayna balan qaadeen in dhismaha kadib ay wax muuqda kasoo saari doonaan Dekada.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Puntland, Cabdullaahi Jaamac Saalax, oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Markabka u raacay Badweyn,halkaasi oo uu ku sameeyay dhoolatus ku aadan hawlaha uu ka qabanayo Dekeda Boosaaso.

Markabkan ayaa waxaa la doonayaa sida uu qorshaha yahay in uu qabto ama uu Fududeeyo howlaha laga qaban doono Dekada Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Dekeda_Bosaso

m1

m2

m3

m4

m5

m6

m7

m8

m9

m10

m11

m12

m13

m14

m15