Xog: Yaa ka mid noqon doona Wasiirada cusub?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in labadaasi Mas’uul ay dhameystireen shaxda lagu magacaabi lahaa Golaha wasiirada cusub.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in inta badan Wasiirada hadda haya xilka laga saaray Liiska lagu diyaariyay Wasiirada cusub, waxaana ka dhexmuuqda liiskaasi shaqsiyaad xiriir dhow la leh Madaxweyne Xassan.

Shaqsiyaadka kamid noqon doona wasiirada cusub ayaa waxaa kamid ah ruux ay walaalo yihiin Madaxweynaha Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan kaasi oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Nuur Madeer waxa ayna shariif Xassan yihiin isku hooyo, sida ay xogta ku heshay Caasimada Online.

Sidoo kale, shaqsiyaadka loo badinaayo inay kamid noqdaan wasiirada cusub ayaa waxaa kamid ah Faarax C/qaadir iyo nin ay qaraabo hoose yihiin Ra’isul wasaare Cumar kaasi oo maalmo yar un ka hor kasoo dagay garoonka Aadan Cadde.

Wasiirada cusub ayaa la filayaa inay ka badnaan doonaan kuwa hadda shaqeeya, kadib markii ay cabashooyin badan ka imaaday beelaha qaar oo aan lasiinin xuquuqdooda.

Lama oga xiliga lagu dhawaaqi doono, balse waxaa la rumeysan yahay in lasoo afjaray shaxda Wasiirada cusub kaliya ay u baahan tahay ku dhawaaqid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com